Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku fulisay 5-dhalinyaro ah oo dilal ka geystay Boosaaso.[Dhagayso]
April 8, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamadda ciidanka qalabka sida iyo dembiyada culus ee shanta gobol (Karkaar, Bari, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan) ee Puntland ayaa maanta waxaa ay xukun dil ku fulisay 5 dhalinyaro oo ka mid ahaa 7 dhalin yaro ahoo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay magaalada Boosaaso ay ku dileen Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska Puntland Gaashaale Sare Jaamaca Saxar Diid , Agaasimihii Madaxtooyada Bosaaso Aadan Gaas iyo Xeer ilaaliyiih guud ee Maxkamada Qalabka Sida ee Puntland Maxamed Xasan Firdhiye.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa isla saaka waxaa ay ku xukun tay Xabsi daa’id 2-bo dhalinyaro ah oo hore lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab horayna Maxkamada darajada 1aad ay ku riday xukun dil ah balse Maxkamada sare ay Xabsdi daa’in ay ku riday.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha maxkamada Ciidanka qalabka sidda ee Puntland Col.Cabdifataax Xaaji Aadan
M_M_Deeq
Halgan.net