Qarax Khasaaro badan geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
April 9, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Warar dheeraad ah ayaa waxaa ka soo baxaya qarax duhurkii maanta ka Agagaarka Wasaaradda G/dhiga ee DFS waxaana qaraxaas loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Qaraxa ayaa waxaa uu geystay Khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay 6 qof oo ay askari ku jirto halka ay ku dhaawacmeen 10 kale .
Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxa soo maleegtay waxaana ay la eegatay Taliyaha ciidanka Milatariga ee JFS Gen Cirfiid oo isagu ka badbaaday qaraxa.
Qaraxan ayaa ku soo beegmay xili Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku baaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo isoo tafo xeytay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah.
A/Cawale
Halgan.net