Culimada Laascaanood oo ku baaqay in la soo caawiyo Wiil Dhalin yaro ah oo ay ku haysato xaalada aad u adag
June 29, 2017 - Written by EditorLaascaanood:-Saleebaan Cabdi Diiriye waa inan dhalin yaro ah oo la il daran dhaawacyo caloosha ka soo gaadhay mudo laga joogo 13 gu’ waxaa uu ku noolaa xaafad ku taalla magaalada Laascaanood ee G Sool . Isaga oo caruur ah ayey ka dhinteen hooyadii iyo aabihii , Waxaa uu soo korsaday Cabdi Jaamac Faarax oo ka mid ahaa qaraabadiisa , Isga ayaa ayaa gacanta ku hayey mudadaa 13 ka gu’ laga Joogay , halka uu Dhibane Saleebaan Cabdi Diiriye uu la noolaa dhaawacyadaa ah sadex Lafood oo ku yaalla calooshii oo jajabay , Halka ay isku dhex Daateen dhamaan Lafaha Calooshiisa iyo Misgihiisa .
Saleebaan Cabdi Diiriye Ma Kici karo , Isma Rogi Karo , Ma hadli karo , dhinac baa qallalay , iwm , Waxaa uu ahaa agoon & Rajay waalidkii Alle uu u afoosaday . Dhakhaatiirta dalka Somalia oo ay u geeyeen qoyskiisa ayaa waxaa kaga baxay dhaqaale badan wxii ay awoodeen , laakiin iminka waxaa loo sheegay ugu danbayn in bad baadinta inankaa yari ay ku xidhan tahay in la geeyo wadanka India , Dhaqaalaha lagu bad baadin karo – Alle ayaa badbaadada gacanta ku hayee- waa 30,000 $ . Ehelkiisa hada waxay hayaan 7,000 oo looga aruuriyey Masaajidada Laascaanood , Waxaana ay qoyska wiilkani iyo Qaar ka mida Culimada magaalada Laascaanood ay ka codsadeen Ummada Islaamka Caawinta inankaa iyo laga bixiyo dhaqaalahaasi , Alle dartii .
Kala Xidhiidh :4499256
Mawliidd Ismail Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net