Culimada Laascaanood oo ku baaqay in la soo caawiyo Wiil Dhalin yaro ah oo ay ku haysato xaalada aad u adag

June 29, 2017 - Written by Editor

Laascaanood:-Saleebaan Cabdi Diiriye waa inan dhalin yaro ah oo la il daran dhaawacyo caloosha ka soo gaadhay mudo laga joogo 13 gu’ waxaa uu ku noolaa xaafad ku taalla magaalada Laascaanood ee G Sool . Isaga oo caruur ah ayey ka dhinteen hooyadii iyo aabihii , Waxaa uu soo korsaday Cabdi Jaamac Faarax oo ka mid ahaa qaraabadiisa , Isga ayaa ayaa gacanta ku hayey mudadaa 13 ka gu’ laga Joogay , halka uu Dhibane Saleebaan Cabdi Diiriye uu la noolaa dhaawacyadaa ah sadex Lafood oo ku yaalla calooshii oo jajabay , Halka ay isku dhex Daateen dhamaan Lafaha Calooshiisa iyo Misgihiisa .

Saleebaan Cabdi Diiriye Ma Kici karo , Isma Rogi Karo , Ma hadli karo , dhinac baa qallalay , iwm , Waxaa uu ahaa agoon & Rajay waalidkii Alle uu u afoosaday . Dhakhaatiirta dalka Somalia oo ay u geeyeen qoyskiisa ayaa waxaa kaga baxay dhaqaale badan wxii ay awoodeen , laakiin iminka waxaa loo sheegay ugu danbayn in bad baadinta inankaa yari ay ku xidhan tahay in la geeyo wadanka India , Dhaqaalaha lagu bad baadin karo – Alle ayaa badbaadada gacanta ku hayee- waa 30,000 $ . Ehelkiisa hada waxay hayaan 7,000 oo looga aruuriyey Masaajidada Laascaanood , Waxaana ay qoyska wiilkani iyo Qaar ka mida Culimada magaalada Laascaanood ay ka codsadeen Ummada Islaamka Caawinta inankaa iyo laga bixiyo dhaqaalahaasi , Alle dartii .

Kala Xidhiidh :4499256

Mawliidd Ismail Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online