Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo lagu dhaawacay Gaalkacyo (Dhageyso)

June 1, 2017 - Written by Editor

Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in dhagarqabayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay dhaaween sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish).

Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) ayaa xabaduhu uga dhaceen daanka iyo dhabarka, sida uu sheegay guddoomiyaha gobalka Mudug Xasan Abgaalow oo caawa la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo.

Dhagarqabayaasha weerarka geystay ayaa waxay dhamaayeen 2 dhalinyaro ah waxaana markii uu dhacay weerarka lagu dhaawacay Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) ay dadweynahu baacsadeen ragii weerarka geystay waxayna dhaawaceen mid ka mid ah iyaga oo galay dhanka xaafada Wadajir ee Galmudug .

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaalow ayaa sheegay in labadii nin oo mid dhaawac yahay ay gudaha u galeen Xaafadda Wadajir ee Galmudug ka arimiso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid dharqabayaasha kooxda Al-Shabaab ee dhaawacay Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) oo uu dhaawac gaaray uu u dhinay dhiig bax,

Hoos ka Dhageyso Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlaya weerar caawa lagu dhaawacay
Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish)

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online