Wasiiiradda cusub oo uu Madaxweynaha Puntland Magcaabay oo La Dhaariyey.[Cod/Masawiro]

June 7, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobjoog ka haa saaka 07 June 2017 munaasimad lagu dhaarinayey  qaar kamida Wasiiradda cusub ee uu dhowaan magcaabay, munaasimada dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Garoowe. Wasiiradda loo dhaariyey xilalka loo igmaday ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Munaasimada dhaarinta Wasiiradda ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiiradda loo dhaariyey xilalkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay inay ay shaqadooda si daacad ah u gutaan kana fogaadaan wax walba oo ku keeni kara in  gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.

‘’ Waad dharateen oo kitaab ayaad marten, waxaadna u dhaarateen inaad dadka iyo dalkaba si daacad nimo ah ugu shaqaysaan, maanta waa maalin ka duwan maalmaha kale waayo idinkoo sooman ayaad Kitaab marteen, waxaa laydin ka rabaa dhartaa inaad ka soo baxdaan, waxaan filayaa dhammaanteen dhalin yaraatihiin marka laga reebo Wasiir Barkhadle, waxaan rabnaa in dhalinyaradu dalka u shaqeeyaan oo wixii ay soo barteen dalka ugu shaqeeyaan’’. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si daacad ah ugu shaqeeeyaan shacabkooda, isla markaana ay markasta ka fekeraan sidii ay u horumarin lahaayeen bulshadooda iyo shaqooyinka baaxadale ee loo igmaday, waxaana uu ku adkeeyey inay had iyo jeer noqdaan kuwo metela shacabkooda, kana shaqeeya siyaasada dawladda.

‘’waxaa ladin ka rabaa idinkoo dhalin yaro ah inaad masuulid weyn isa saartaan, waxaad noqon doontaan kuwo sifiican u shaqeeya oo si daacad ah dalka ugu adeega ayaad noqon doontaan, mustaqbal kan kasii wanaagsana waad sii yeelan kartaan ama waad fashilmi doontaan oo waxaa laydin ku baran doonaa niman waxma tarayaala inaad tihiin, doorashadu idinka ayay idin jirtaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

‘’Dawladda nimada iyo wasiir nimadu maha qofku in xafiis keliya ka shaqeeyo waxaa la rabaa inaad siyaasada dawladda ka shaqaysaan, barnaamijka iyo hadafka siyaasadeed ee dawladda inaad fulisaan baa laydin ka rabaa qof walbi dhul iyo degaan buu ka soo jeedaa waxaadna kamid noqon doontaan metelayaasha dawladda, waxaa laydin ka rabaa shaqadiina inaad sifiican u gudataan, xilkiina la wareegtaan, hawl gashaan, hore u socotaan Insha Allah hadii Illahay yidhaahdo’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland .

Hoos ka dhagayso dardaarankii Madaxweyne Gaas uu siiyey wasiirada la dhaariyey maanta

Halkaan ka Dhagayso Mp3

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online