Dagaal Dhex Maray Al-Shabaab iyo Abu Mansuur (Dhageyso)
August 9, 2017 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo kooxda taabacsan wadaadka horey uga goostay ee Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.
Dagaalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Baano oo ka tirsan tuulada Abal, islamarkaana hoostagta degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Qaar ka tirsan saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay inay ciidamo halkaasi u direen.
Wariyeheenna Caasha Ibraahim aadan ayaa wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaas warbixintan inooga diyaarisay.
VOA Somalia
Halgan.net