Qarax xoog leh oo ka dhacay Maqaaxi ku dhow Madaxtooyada Maamulka J/land
August 1, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegay in goordhow uu qarax culus uu ka dhacay maqaaxi ku dhow xarunta madaxtooyada ee maamulka J/land waxaana qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay waxaana lagu qarxiyey Maqaaxi dad shacab ah ay ku sugnaayeen oo ku taalla Agaggaarka Madaxtooyada Jubbaland waxaa jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyada iyo weerarada ay qaadayaan dan ka lahayn dhimashada iyo dhaawaca dad dhacabka ah ee Muslinka ah ee waxba galabsan balse weyba ku faanaan leyntooda sida Qaraxyadii Hargaha iyo Saamaha iyo Hotel Shaamow.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray gawaarida gurmadka ah iyo ciidanka amaanka ee maamulka J/land .
M_M Deeq
Halgan.net