Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ciidanka Qalabka Sida ku ammaanay Xasilinta Dalka (Masawiro)

August 3, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku ammaanay Xasilinta Dalka kuna dhiirigeliyey inay sii labajibaaraan doorkooda soo celinta Amniga, Xasilinta iyo Nabadeynta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyey ciidamada ayaa ka hadlay muhiimada, hadafka iyo doorka looga fadhiyo in Ciidanka uu kaalintiisa qaato.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka Qalabka Sida taariikh facweyn bey Dalka ku leeyihiin, waxaadna huwan tihiin qaranimada iyo sharafta Dalka. Maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay yihiin rajada iyo dib u soo celinta dawladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta. Wuxuna ugu baaqay in la sii wado qorshayaasha ay kula dagaalamayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee doonaya inay daadiyaan dhiigga dadka shacabka ah.

no images were found

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Wasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhammaantood tilmaamay baahida loo qabo ciidan hanan kara guud ahaan amniga dalka.

Sona
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online