Madaxweynaha JFS Farmaajo oo gaaray magaalada Carte ee dalka Jabuuti.[Masawiro]

July 6, 2018 - Written by Editor

CARTA:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Madaxweynaha oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Carta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.”

“Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

no images were found

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online