Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland oo looga hadlay arimo kala duwan
November 22, 2018 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta waxaa uu shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Maamulka J/land kaas oo looga hadlay arimo kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa markii uu furmay looga hadlay arimaha amniga deegaanada J/land waxaana tacsi loogu diray eheladii uu ka dhintay alaha u naxariistee Nabadoon Dhaqane Qaasim Aamin oo lagu dilay Degmada Beledxaawo waxaana madaxweynu faahfaahin ka dhageystay Hay’adaha amaanka qaabka loo dilay nabadoonka .
Waxaa kale oo uu golaha Wasiirada Maamulka J/land uu warbixin ka dhageystay Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo bandhigtay shirar kala duwan oo caalimiga ah oo lagu qabtay magaalada Kismaayo iyo kulamo kala duwan ay la yeesheen beesha Caalamka.
Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarada Caafimaadka Maamulka J/land waxayna faahfaahin ka bixisay faafida xanuunka qaaxada ee ka dilaacay deegaano ka mid maamulka J/land.
no images were found
Wasaarada howlaha guud ee Maamulka J/land ayaa gabgabadii shirka golaha wasiirada ee Maamulka J/land waxaa ay ka warbixisay hanaanka dhul bixinta iyo sharciyaynta dhulalka .
A/Cawale
Halgan.net