20 ku dhimatay Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

December 22, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad afartan kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo maanta lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, qaraxyada ayaa muddo aanan kala fogeyn ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo aad ugu dhaw madaxtooyada iyo fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Khasaaraha ayaa la sheegay inuu intiisa badani ka dhacay agagaarka Tiyaatarka oo ah halka uu ka dhacay qarraxa hore.

Dadka dhintay waxa ku jira Allaha u raxmadee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa saxafi rug caddaa ah, kana tirsanaa telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.

Waxa sidoo kale dadka dhaawacmey ka mid ah masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan Warsame Joodax iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka nabad amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi lagu hoobtay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

VOA Somalia Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online