Madaxweyne Farmaajo “Weerarradan aragagixisada nagama joojin karaan Horumarkeena

December 22, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo dadnimo midna aan lahayn.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada fulaynimo ee aragagaxisadu aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “Weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan argagaxisadu ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn.

“Mileeyshiyaadka jahwareersan ee argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.”

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda.

———DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online