Culimo’udiinka ku nool Puntland oo si adag uga hadlay kufsi iyo dil lagula kacay gabar 12 jir ah oo ka dhacay Gaalkacyo
February 25, 2019 - Written by EditorGaalkacyo:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee Ku nool Gobolka Nugaal ayaa si adag uga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee lagu dilay Allaha u naxariistee gabar yar oo 12 jir ah oo lagu magaacbi jiray Caasho Ilyaas Aadan.
Culimada kala ah Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf Iyo Sh Maxamed Godane ayaa wax ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan shacabka magaalada Gaalakacyo in ay fadhiga ka kacaan oo mujrimiintii falkaas geystay la qabto ka dibna la mariyey wax ay shareecada Islaamku qabto
Hoos ka daawo Sh Maxamuud Xaji Yusuf iyo Sh Maxamed Godane oo ka hadlay Dhacadadii Lagu Dilay Caaisha Ilyaas Aadan ee Galkacyo
A/Cawaale
Halgan.net