Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiisha Puntland oo gaaray Gaalkacyo

February 28, 2019 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug cidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, Ciidamadan tegay Gaalkacyo ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland C/shukri C/llaahi Xuseen iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland Cismaan Hassan Cawke iyo saraakiil kale.

Ciidamada soo gaaray Gaalkacyo ayaa waxaa ay ka yimaadeen magaalada Garoowe si ay u xoojiyaan ciidamo kale oo horay u sii joogay magaalada Gaalkacyo  si howl gal lagu baacsanayo dhagar qabayaal ka geystay magaalada dilal iyo kufsi.

Ciidamada PSF oo howl galo badan ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan dhalinyaro fara badan oo magaalada ka geystay dilal , dhac iyo Kufsi , Saraakiisha Ciidanka PSF oo weli wada howl galo ay ku baacsanayaan dhalinyaro danbiilayaal ah oo aan weli la qaban balse la hayo xogtooda iyo weliba danbiyada ay geysteen.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegay in Ciidamada PSF ay ku guulay steen in ay qabtaan 4 ka mid ah dhalinyaradii kufsiga iyo dilka iskugu daray allaha u naxariisteen Caaisho Ilyas oo ahayd 12 jir, Ciidamada ayaa weli ku daba jira weli  danbiilayaashii qaar ka mid ah oo weli aan soo gelin gacanta laamaha amniga balse la hayo xogtooda oo buuxda.

Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland C/shukri C/llaahi Xuseen oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay u yimadeen  magaalada Gaalkacyo ay tahay sugida amniga iyo in gacanta lagu soo dhigo cid walb oo dil, dhac ama Kufsi ka gaystay magaalada isagoona taliyaha ugu baaqay waalidinta in ay ciyaalkooda ka warha yaan haddi kalese ay ciqaab adag marsiin doonaan cid kasta oo ka soo ergaysan la xiri doono

Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Puntland Gen. C/shukri ayaa xusay in howlgalka ay ka bilaabi doonaan magaalada Gaalkacyo loogu magac-daray Caasho Maxay Galabsatay” si cadaalada loo horkeeno danbiilayaashi falkaas foosha xun ka geystay Gaalkacyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online