Sh Daahir Awcabdi ka hadlay Dhacdadii Lagu Dilay Caaisha Ilyaas Aadan ee Gaalkacyo[Video]

February 26, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Sheekh Daahir Aw-cabdi culimada waaweyn ee Soomaaliya kuna nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa ugu horayn tacsi u diray ehelkii caasho, uguna duceeyey in samir iyo iiman allaah ka siiyo.

Sheekha ayaa sheegay bur-burkii dawladii soomaliya ka dib inay soo baxeen dhacdooyin foolxun oo naxdin badan oo ay dawlad la’antu sababtay. Sheekha waxa dhacdadan gaystay waxa uu ku tilaamay, rag aan ilaahay iyo yoomal qiyaamaha rumaysanayn.

Sheekha ayaa sheegay waxa meesha ka dhacay, in uu ahaa “Sino waxa raacay kufsi” ayuu yiri sheekhu, waxa uu sheegay sheekhu in dhacdada lagu soo koobay kufsi lana qarinayo magacii sino, oo allaah ku tilmaamay faaxisho amarayna inan lo dhowaan, “ولا تقرب الزنا “إنه كان فاحشة و ساء سبيلا Sheekhu waxa uu sheegay ku dhaqanka diinta oo laga tagay inay sababtay wax dhacaya.

Sheekhu ayaa illaahay u barayay in nimankii falkaas gaystay illaahay so saaro. Sheekha waxa uu sheegay nimankas in la soo qabto in xeer-xeer inta laga illaaliyo in la dilo oo la dal-dalo oo la suro meel fagaare ah si lo dabar jaro dhacdadan oo kale inay soo laabto, waana xukun kooda sharciga ah.

” إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْامِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ ).

Ugu damayn sheeku waxa uu bulshadii dhagaysanaysay iyo guud ahaan dadka soomaaliyed ugu baaqay in la’ilaashado caruurta gaar ahaan gabdhaha, Sheekha waxa baraarujiyey kiiskan cidda baaraysa in ay ka fogaadan musuq iyo laalush, waxaa uu sheegay dadka baaraya boolis iyo madaxba in aysan noqon dad bal wad leh oo uu sheegay inay fudud dahay in ay kiiskan culus lacag dhaafsadan.

Hoos ka Daawo Sh Daahir Awcabdi ka hadlay Dhacdadii Lagu Dilay Caaisha Ilyaas Aadan ee Gaalkacyo

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online