Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland oo daahfurey dhismaha waddada Birtadheer iyo Xaar-xaar .

April 3, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay wejiga 1-aad ee dhismaha Wadada Birta-dheer iyo Xaar-xaar, oo 5-tii KM ee u horeysay la dhamaystiray.

Dhismaha wadadan ayaa lagu dhisayaa Barnaamijka Dowladda ee iskutashiga iyada oo kharashkeedana laga bixinayo qasnada Dowladda Puntland taas oo muujinaysa sida ay dowladdu uga go’an tahay in Cashuurtii Shacabka laga qaaday dib loogu dhisayo Dalka.

Mashruuca wadada waxa fullinaysa Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction oo kaashanaysa Hay’adda Waddooyinka Puntland ee (PHA) iyo Wasaaradda Howlaha Guud, waxaana uu qorshuhu yahay in la dhameystiro in ka badan 40KM oo dhexaysa deegaannada Birta-dheer iyo Xaar-xaar ee Gobolka Nugaal,tani waxay qeyb ka tahay dayactirka iyo dib u dhiska Wadada Garoowe-Gaalkacyo.

Daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyey Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Ku-simaha Wasiirka ahna Ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garoowe, guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, Masuuliyiinta Shirkada Kebarco, Maamulka Deegaanka Birta Dheer, Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

—–Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
April 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online