Puntland iyo Itoobiya oo Heshiis dhinacyo badan taabanaya kala saxiixday.
April 3, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga, ayaa magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyay wafdi wasiirro ah oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamed.
Wafdiga ka socda Puntland iyo itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana dhinaca Itoobiya u saxiixay wasiiru dowlaha arrimaha dibada Mesganu Arga, halka dhanka Puntland uu u saxiixay wasiirka Maaliyada Puntland.
Warmurtiyeed lagu daabacay wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya, ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla garteen muhiimada ay leedahay in xariirka ganacsiga, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha .
Puntland ayaa waxay ku dadaaleysaa sidii ay u heli lahayd ugana faa,ideysan lahayd Suuqyada Itoobiya ee ganacsi, kaas oo laga soo dajin doono Dekkada Garacad iyo Kastamka Tuurdibi.
M_M Deeq
Halgan.net