Puntland iyo Itoobiya oo Heshiis dhinacyo badan taabanaya kala saxiixday.

April 3, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga, ayaa magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyay wafdi wasiirro ah oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamed.
Wafdiga ka socda Puntland iyo itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana dhinaca Itoobiya u saxiixay wasiiru dowlaha arrimaha dibada Mesganu Arga, halka dhanka Puntland uu u saxiixay wasiirka Maaliyada Puntland.

Warmurtiyeed lagu daabacay wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya, ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla garteen muhiimada ay leedahay in xariirka ganacsiga, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha .

Puntland ayaa waxay ku dadaaleysaa sidii ay u heli lahayd ugana faa,ideysan lahayd Suuqyada Itoobiya ee ganacsi, kaas oo laga soo dajin doono Dekkada Garacad iyo Kastamka Tuurdibi.

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online