๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ผ๐ผ ๐ ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป-๐ถ๐๐๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฟsi.
April 23, 2024 - Written by EditorMuqdisho:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday Caasimadda Muqdisho.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku taqasusay.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.
โSafarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka goโnaansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso
marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo lehโ.
Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ