Madaxweynaha DFS oo la filayo inuu gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya
June 5, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in uu saaka gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu kala hadlo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta go’aanka Kenya, ee dib u-celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee qaxooti Soomaaliyeed ku jiraan .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maaxamuud ayaa isbuucii la soo dhaafay walaac ka muujiyey xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab isaga oo sheegay in ay sax ahayn in xoog lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed.
Dowlada Kenya ayaa dhowr mar ku celisay in ay dib dalkeeda uga celineyso qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab sababo la xiriira ammaankeeda
A/Cawale
Halgan.net