Warbixin Gaar ah: Geerida Laba Dr. Shahiid.[Dhagayso]
June 27, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-In ka badan 20 qof oo ku dhintay qaraxii maalintii Sabtidii ka dhacay Muqdisho waxaa ka mid ahaa Dr. Ducaale Maxamed Aadan Shahiid. Aabihiis Maxamed Aadan Warsame Shahiid, waxa uu isna ka mid ahaa dhakhaatiirta ugu caansan Soomaaliya kaalin weyna ka qaatay soo noolaynta caafimaadka iyo waxbarashada ee dalka oo isna ku geeriyooday qaraxii hoteel Shaamo ee sanandkii 2009-ka.
Jaamacadda Banaadir oo labada dhakhtar ee ka baxeen ayaa sheegtay in sida ugu wanaagsan ee lagu xusuusaan karo Dr. Ducaale Shahiid iyo Aabihiis ay tahay sii wadista hawshii ay bulshada u hayeen ee caafimaadka iyo waxbarshada.
Hoos ka Dhagayso Haaruun Macruuf ayaa warbixintan noo diyaariyey.
[audio: http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/06/27/761b30a3-6fc4-4d87-abd0-26126d463069.mp3]Source:VOA