Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS oo War ka soo saartay Ururka Al-saaciduun Bil Xaqi
April 20, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Warsaxaafadeed a soo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Amar ka soo saartay Urur diimeedka la magac baxay Al-saaciduun Bil Xaqi oo dhawaan laga dhawaaqay deegaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya. Warmuriyeedkaan ka soo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in kooxdaan ay tahay TAKFIIR ayna gaalaysiiyaan shacabka Muslinka ah guud ahaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya ayaa uga digtay xubnaha kooxdaan ka tirsan in ay sameeyaan kulamo , Bayaanaat iyo weliba Muuqaalo ay iska duubaan.
Hoos ka Daawo warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya. no images were found
A/cawaale
Halgan.net