Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo lagu dhaawacay Gaalkacyo (Dhageyso)
June 1, 2017 - Written by EditorWararka caawa naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in dhagarqabayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay dhaaween sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish).
Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) ayaa xabaduhu uga dhaceen daanka iyo dhabarka, sida uu sheegay guddoomiyaha gobalka Mudug Xasan Abgaalow oo caawa la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo.
Dhagarqabayaasha weerarka geystay ayaa waxay dhamaayeen 2 dhalinyaro ah waxaana markii uu dhacay weerarka lagu dhaawacay Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) ay dadweynahu baacsadeen ragii weerarka geystay waxayna dhaawaceen mid ka mid ah iyaga oo galay dhanka xaafada Wadajir ee Galmudug .
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaalow ayaa sheegay in labadii nin oo mid dhaawac yahay ay gudaha u galeen Xaafadda Wadajir ee Galmudug ka arimiso.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid dharqabayaasha kooxda Al-Shabaab ee dhaawacay Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) oo uu dhaawac gaaray uu u dhinay dhiig bax,
Hoos ka Dhageyso Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlaya weerar caawa lagu dhaawacay
Col. Cabdirisaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish)
M_M Deeq
Halgan.net