Afhayeenka Wasaaradda Amniga DFS oo eedeeyay Madaxda Dowladda Somaliya (Daawo)
July 8, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka Wasaarada amniga JFS C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) ayaa si kulul u eedeeyey madaxada DFS iyo kooxda Al-Shabaab oo shalay qaraxyo ku gumaaday dad shacab ah ka dib weeraro qaraxyo ah oo ay fuliyeen .
Cabdcasiis Xildhibaan Afhayeenka Wasaarada amniga ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada DFS oo aan ka shaqeyn danaha Umada Soomaaliyeed .
Afhayeenka Wasaarada amniga C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) ayaa yiri ” Tii Shalay Dhacday oo kale suura gal ma aha in Dowladda aan ka tirsanahay Shacbiga usheegto waa la isla xisaabtamaayaa, meesha Green Zoneka sey suurta gal ku Nooqtay in Gaariga isqarxiyay uu Meesha ku soo gaaray, Anniga oo kale meesha lacag uma soo doonan, 11 Bilood ayaan ahay Afhayeenka Wasaarada amniga walina wax Mushaaraad ah ma qaadan” ayuu Yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa sheegay in aysan dhici karin in dowladda Soomaaliya ay dadka Shacabka ah u sheegto warar aan macquul aheyn oo ku saabsan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho waana eedeyntii ugu cusleyd oo masuul ka tirsan DFS uu u jeediyo Saraakiisha amaanka ee DFS.
Afhayeenka Wasaarada amniga ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyey Shacabka wuxuuna ku eedeeyay iney mar walba doortaan Madax Tuugo ah oo Boorsooyin wadata oo Shacabka xoolohooda qaata, Isagoo sheegay inaan wali la heyn Masuul isku casilay in uu gudan waayey xilkiisa.
A/Cawale
Halgan.net