Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed oo dib loo dhigey
November 15, 2018 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegaya in dib loo dhigay xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha K/galbeed .
Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa uu kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Baydhabo isaga oo shaaciyey in doorashada madaxweynaha K/galbeed ay dhacayso 28ka bishan November.
Dib u dhac ku yimid doorashada Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa waxaa sabab u ahaa ka dib markii ay xilka iska casileen xubno ka mid ah guddiga doorashada iyo Madaxweynihii Maamulka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
DFS ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay fara galin ku heyso doorashada Madaxweynaha koonfur galbeed sida ay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS ay u sheegeen warbaahinta magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net