Gudoomiye Baarlamaanka DFS Mursal oo Sharci daro ku tilmaamay Xariga Roobow (Daawo)
December 15, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu degan yahay magaalada Muqdisho ee Hotel Shabeel kaas oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho .
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii deyso Musharax Mukhtaar Roobow Cali wuxuuna ku tilmaamay xarigiisa mid sharci daro ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ugu baaqay Guddiga Doorashada Maamulka Koofur Galbeed inay dib u dhigaan doorashada lagu wado inay dhacdo 19-ka bishan, si buu yiri loo helo jawi xasilloon oo xor iyo xalaal ah.
Hoos ka Daawo Shirjaraa,id uu ku qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal.A/cawale
Halgan.net