Ciidamada Jabuuti oo xabsiga dhiagy Gudoomiye kuxigeenka amniga ee gobolka Hiiraan
November 19, 2012 - Written byHiiraan:-Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee haatan ku sugan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee dhinaca amniga Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) ka dib markii uu gacan u qaaday gudoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada ee maamulka gobolka Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray gudoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada ee maamulka gobolka Hiiraan Cadaawe Cilmi ka dib markii uu u gacan qaday Axmed Inji.
Ciidamada dalka Jabuuti oo sugayey amniga kulan ay wada qaateen dhamaan masuulinta gobalka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay Gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) .
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi fataax Xasan Afrax oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey shaqaaqada dhexmartay labada masuul ee ka tirsan gobalka Hiiraan wuxuuna sheegay in haatan uu xiran yahay Axmed Inji ayna socdaan dadaalo ay wadaan Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Hiiraan si loo soo afmeero dhaqaaqada dhexmartay labada masuul.
A/Cawale
Halgan.net