Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidii oo weerar lagu dili gaaray
November 24, 2012 - Written byLeego:-Ciidamada Ururka Al-shabaab ayaa saaka weerar dhabagal ah ku qaaday Masuuliin ka tirsan DFS kuwaas oo ku sii jeeday deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne waxaana ka mid ah masuulinta dirqiga uga badbaaday weerarka qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose, C/qaadir Maxamed Siidi ayaa weerarka ku dhaawacmay waxaana kolanyadii la socotay laga gubay gaari Tikniko ah oo ay wateen sida uu u sheegay idaacada VOA-da .
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose wuxuuna ahaa dagaal gaadmo ah o ay shabaab ku qaadeen gawaari kolonyo ah uu la socda C/qaadir Maxamed Siidii waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askar ka tirsan DFS iyo Kuwa AMISOM.
Wafdiga uu hogaaminayey Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidii ayaa waxay u socdeen in ay soo dhexdhexaadiyaan laba beelood oo ku dagaalantay gobalka Sh/hoose waxaana wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in wafdiga DFS ay soo gaareen garoonka Balli-doogle .
Ilaaa haatan ma jiraan wax war ah oo ay warbaahinta u gudbiyeen Afhayeenada Ururka Al-shabaab .
A/Cawale
Halgan.net