Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey Jabuuti(Warsaxaafadeed)
November 26, 2012 - Written byJabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir ahna Lataliyaha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Dowladda Jabuuti ka tirsan ayaa garoonka ku soo dhoweyey Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Band Music (Baambeey) Jabuuti.
Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay dhigiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
no images were found
Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Waxa ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda labadda dalka, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warxibin ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee jooga Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqshadu tahay tii ugu horeysay oo rasmi ah ee uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynahu safarkiisa ugu sii tallaabi doonaa dalka Itoobiya.
Shador Haji