Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxmuud oo dib ugu laabatay Muqdisho
November 30, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta duhurkii dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal ku soo maray wadamada Jabuuti iyo Itoobiya .
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ee Soomaaliya .
Madaxweynaha DFS ayaa intii uu joogay wadamada Jabuuti iyo Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyaga oo ka wada hadlay sidii looga taageeri lahaa DFS dhinacyada amaanka iyo Federaalka.
A/Cawale
Halgan.net