Wasiirka amniga ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso(Dhageyso)
December 5, 2012 - Written byBoosaaso:-Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaana uu ka hadlay iska horimaad xalay ka dhacay deegaanka Sugure ee gobalka Bari kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab.
Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ayaa haatan ku sugan dhamaan deegaanadii ay dagaalada ka dhaceen xalay sida uu noo xaqiijiyey wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana dib ugu laabtay Buuraha kooxihii ka tirsanaa al-Shabaab ee xalay weeraray deegaanka Sugure.
Dhanka kale Ururka Al-Shabaab ayaa bogooda Twitterka waxay ku sheegeen in iyagu ay weerarka ku qaadeen togga Sugurre ay dileen 12 ka tirsan ciidanka Puntland.
[audio:https://halgan.net/Mp3/Khaliif.mp3]Halgan.net