Qarax xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya
December 6, 2012 - Written byNairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay qarax uu ka dhacay xaafada Section 3 ee magalada Nairobi qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Kenya .
Wararka ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegaya in 8 qof ay ku dhaawacmeen qaraxii caawa sida uu sheegay taliyaha amaanka magaalada Nairobi Moses Ombati.
Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Supermarket loo yaqaan Joster halkaas oo ay ka dukaameystaan ciidamada Booliska dalka Kenya.
Shacabka ku dhaqan magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ayaa xalay durba ku xarooday xaafadahooda iyaga oo ka baqanaya ciidamo lagu soo daadiyey xaafada Islii iyo xaafada Section 3 ee magalada Nairobi ee uu xalay qaraxu ka dhacay ay dhibaato u geystaan.
Qaraxyada ka dhaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay fuliyaan kooxo ajande qarsoon leh waxaana ilaa haatan loo qabtay dad aan Soomaali ahayn.
A/Cawale
Halgan.net