Ciidanka Booliska magaalada Mombaza oo dilay 3 qof 10 kalana gacanta ku dhigay
December 10, 2012 - Written byMombasa:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmaray ciidanka Booliska ee magaalada Mombasa iyo Jabhad rabta in ay ka goosato dalka Kenya oo magaceeda la yiraahd Mombasa Republican Council (MRC) kuwaas oo doonaya in dowlada ay ka taagtaan magaalada Mombasa.
Iska horimaadka ayaa waxaa uu bilaawday sida ay warbaahinta dalkaas u sheegeen saraakiisha saldhiga Booliska Frere markii ay weerar isaga horyimaadeen ilaa 50 nin oo ku hubeysan falaaro, mindiyo iyo biro iyo ciidan Boolis ah oo roonda ahaa kana war helay in weerar lagu soo yahay saldhiga booliska ee Frere .
Iska horimaadka ayaa waxaa ku dhintay 3qof waxaana Booliska ay gacanta ku dhigeen 10 kale iyaga oo xabsiga dhigay waxaa wili kacsan xaalada deegaanka u dhow saldhiga Frere waxaana laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka Booliska ee dalka Kenya.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada Mombasa oo magaciisa la yiraahdo Julius Wanjohi oo la hadlay AFP ayaa sheegay in ay xog ku heleen in weerar lagu soo yahay Saldhiga Booliska ee Frere si hubka looga furto ciidamada ku sugan Saldhiga isaga oo sheegay in ay ka hortageen arinkaas.
Taliyaha ciidanka Booliska ee deegaanka Kisimani Abdalla Abdulrahman ayaa u sheegay warbaahinta dalka Kenya in raga gaaraya ku dhawaad 50 ay soo weerareen Saldhiga Booliska ee Frere wuxuuna ku tilmaamay raga soo weeraray Saldhiga in ka tirsan yihiin Mombasa Republican Council (MRC) wuxuuna sheegay in Booliska ay dileen 3qof 10 kalana ay qabteen.
Ilaa haatan ma jiraan cid u hadashay kooxda Mombasa Republican Council (MRC) mana jirto cid ka madax banaan Booliska Kenya oo ka warbixiyey sida ay caawa wax u dhaceen.
Magaalada xeebta ah ee Mombasa ayaa waxaa degan Muslin tiro badan waxayna tacadiyo kala duwan iyo caburis kala kulmaan dowlada Kenya
iyaga oo in badan ka sheegtay in aysan helin xuquuqda ay xaqa u leeyihiin
C/Casiis Maxamed
Halgan.net