Madaxweynaha DFS oo maanta u ambabaxay dalka Jabuuti (Warsaxaafadeed)

December 16, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta wuxuu u dhoofay Jamhuuriyada Jabuuti si uu uga qeyb galo Sanad Guuradii 40 aad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay in luuqada af Soomaaliga la qoro. Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad kuxeel dheer luuqadaha( LuuqadYaqaano) iyo Gudoomiyayaal Jamacadeed.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimada Jabuuti ayna kasoo qeyb galaan shaqsiyaad aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo Afka- Soomaaliga. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa wuxuu shaagey

waxaan ka shaqeyn doonaa dib-u-soo nooleynta adeegsiga far Soomaaliga mar walbo in aan hormariyo waxbarashada waa howlaha igu muhiimsan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in horumarinta Afka- Soomaliga iyo dhaqanka ay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed. Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka wax barashada ee Soomaaliya taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo. Lixda tiirar siyasadeed ayaa waxaa ku qoran qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha

Malik Abdalla Agaasimaha
Warfaafinta Madaxtooyada
Mabdalla@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online