Dad loo qabtay qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi
December 17, 2012 - Written byNairobi:-Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi ayaa waxaa qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda Eastleigh ay u xireen ilaa 8-da qof oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Yemen iyo nin Soomaali ah oo masuul ka ahaa guriga laga soo qabtay nimanka la xiray. Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi ayaa 8-da qof ee Yemeniinta ah waxaa ay ka soo qabteen guri ku dhow goobta qaraxu ka dhacay oo ku dhow Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi.
Taliyaha ciidanka Booliska ee Nairobi Moses Ombati oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay jiraan 9 qof oo loo qabtay qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda Eastleigh ayna ciidanku ay su,aalo weydiinayaan. Taliyaha ciidanka Booliska ee Nairobi Moses Ombati ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ciidanka Booliska ee dalka Kenya ay sugi doonaa amaanka Xaafadda Eastleigh oo ay ka dhaceen qaraxyo dhowr ah.
Xalay ayaa qarax waxaa lala eegtay Baar lagu cabo khamriga oo ku yaal dhabarka danbe ee Masjidka Al-hidaaya waxaan qaraxaas ku dhaawacmay ilaa 2 qof. Xaafadda Eastleigh oo ay degan yihiin Soomaalida kuna haystaan ganacsi fara badan ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo dilal iyo xadgudubyo loo geysanayo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee ganacsiga ku haystay magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa.
C/casiis Maxamed
Nairobi,Halgan.net