C/laahi (Gaal-dile) oo ka tirsan ciidanka Amaanka ee gobalka Nugaal oo Garoowe lagu dilay
December 23, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa caawo lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Puntland C/laahi Xuseen (Gaal-dile) oo ka tirsanaa ciidanka Amaanka ee Gobolka Nugaal waxaana dilka uu dhacay agagaarka Masaajidka Al-Raxma xili uu ka soo baxay salaadii Cishe.
Dilka Marxuum C/laahi Xuseen (Gaal-dile) ayaa waxaa geystay nin ku hubeysay bastoolad waxaana uu ka baxsaday goobta markii uu dilka geystay goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamada amaanka ee magaalada Garoowe waxayna baaritaano ka wadaan halka uu dilku ka dhacay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhowr qof ay ciidanka amaanka ee magaalada Garoowe gacanta ku dhigeen kuwaas oo laga qabtay halka uu dilku ka dhacay.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Maamulka gobalka Nugaal oo ka hadlay dilka caawa ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net