Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Puntland oo ka hadashay dooni degtay
December 25, 2012 - Written byBoosaaso:-Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda ee Puntland Eng, Maxamed Faarax Aadan ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay dooni ganacsto uu u rarneyd oo ku degtay xeebta deegaanka Kulule ee degmada Benderbayla.
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Badda ee Puntland Eng, Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegay in dabaylo iyo roobab iswata ay ku dhufteen deegaanada fog ee gobalka Bari waxaana doonta ay ka timid dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey shaqaalaha saarnaa doonta waxaana uu sheegay in ay ogaadeen in ay u dhasheen dalka Pakistaan waxayna doonta u rarneyd ganacsato Soomaali ah waxayna siday alaabo bagaash iyo alwaax isugu jirta.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda ee Puntland Eng, Maxamed Faarax Aadan ayaa ka digay in dabeylo iyo roobab is wata ay ku dhuftaan xeebaha fog ee gobalka Bari.
M_M Deeq
Halgan.net