Al-shabaab yaa dhalay? W/Q Sh Axmed Cabdisamad qaybta 2aad

September 17, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Shaki kuma jiro inay yihiin u bad Soomaaliyeed oo mid walba ka soo jeedo qoys ka mid ah qoysaskeena. In kuwo aan soomali ahayn ku laban yihiina soomaalinima dooda wax ka badali mayso marka laga reebo inay ka barteen faldambiyeedyo aan dalkeena laga aqoon, ka dibna ay ka darnaadeen (laga barayba laga badi).In ay soomaaliyihiin ka dhalan mayso in dambiyada ay galeen loo raacdo qoysaskooda ama qabaa’ilkooda adduun iyo aakhiro midna; waayo naf-na ma xambaarto naf kale dambigeed haddii aysan sabab ku lahayn. Tan kale ma jiro qabiil ama qoys Soomaali yeed oo ilmihiisa u dirsaday shaqadaan ama raalli uga ah ee dhab ahaan ubadkoodii ayaa balaayo ka qafaalatay, waxayna u adeeg satay xasuuqa iyo dhibaataynta ummadda kale ee muhiimka ah waxaa weeye in dadka faraha badan ee ururka Al-shabaab dabka ku shubayso aysan ahayn dadkii fikraddaan keenay ee badankoodu waa dad la soo siray iyo kuwo marxalado kala duwan ugu biiray sababao kala jaad ah, ka dibna is arkay iyaga oo qafaalan miskax ahaan ama jir ahaan ama labadaba oo aan heli karin hab iyo meel ay uga baxaan baxarka ay is galiyeen.

Way koobnaayeen dadka fikradaan xambaarsanaa ee garanayey ujeeddada laga leeyahay iyo waddooyinka loo marayo. Inta la socotayna waxay ahaayeen dad caamo ah oo khayr loogu baaqay, awoodna aan u lahayn inay kala hufaan runta iyo beenta, khalad ka iyo saxda iwm. Wax kasta oo cad baruur buu la ahaa, wax walba oo madowna timir buu la ahaa. Shuruuda dadka lagu qaadanayo ayaa marka horeba waxaa ka mid ah:-

1. Da’yari aan loo baahnayn 25 jir ka weyn

2. Cilmi yari aan la qaadanayn nin waxa loo diray su’aal ka keeni kara.

3. Caqli-gaabni iyo wacyi yari keenaysa in ninkaasi aqbalo sheeko kasta iyo tafsiir walba oo laga siiyo diinta,dhacdooyinka iwm haddii uu doono ha noqdo nin da’weyne.Si kastaba ha ahaatee  ururka Al-shabaab marka hore dadka tilmaamo ayay ku xulataa, dabadeed na been (jihaad iyo diin u hiilin) ayay ku soo xero-galisaa, ka dibna run (bir iyo dab) ayay ku dhaqdaa.

Halkaan ka akhri qaybta 1aad

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online