Wasaarada warfaafinta Puntland oo shaqada ka joojisay TV-ga Universal
September 21, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Dowlad Puntland ayaa maanta si rasmi ah shaqada uga joojiyey telefishinka Universal ee ka howlgali jiray degaanada Puntland waxaana lagu eedeeyey in uusan soo tabin khudbadii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu ka jeediyey shirkii Brussels ee looga hadlayey arrimaha Soomaaliya.
Digreeto ka soo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu qeexay in telefishinka Universal uusan ka shaqeyn karin deegaannada Puntland laga billaabo maanta waxaana wasaarada ku eedeeys in Tv Universal uu ku xadgudbay anshaxa saxaafadda caalamiga ah.
Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa amar ku siisay hay’adaha amniga ee Puntland in ay si rasmi ah u fuliyaan wareegtada ka soo baxaday wasaarada Warfaafinta Puntland cidii ku xadgudubtana ay ka qaadaan talaabo adag.
Masuuliinta Tv Universal ayaa ilaa iyo haatan ka hadal wareegtada ka baxaday Maamulka Puntland oo shaqada looga joojiyey Tv Universal.
M_M Deeq
Halgan.net