Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay shacabka Kenya.[Daawo]
September 24, 2013 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanesa jeediyey goordhow waxaana uu uga hadlay halka uu marayo howlgalada ciidamada dalka Kenya iyo kuwa huwanta ay ka wadaan dhismaha Westgate Mall. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u mahad celiyey shacabka dalka Kenya sida ay u garab istaageen shacabka ku dhaawacmay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaciyeen Westgate Mall waxaa kale oo uu mahad balaaran u celiyey saaxiibada Kenya ee garab istaagay
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku dhawaaqay in dalka Kenya uu baroordiiqi doono 3 maalmood laga bilaabo maalinta birito.wuxuuna sheegay in la soo afjaray howlgaladii ka socda Westgate Mall. Madaxweynaha ayaa sheegey in shan ka mid ah dadkii weerarka ku qaaday xarunta Westgate la dilay 11 qof oo lala xiriirinayo weerarkana ay haatan ku jiraan gacanta dowlada Kenya
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in 61 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Westgate Mall halka ay ciidanka dowlada Kenya ay ka dhinteen 6 askari. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegey in meydad badan ay ku hoos jiraan qeybo ka mid ah dhismaha xarunta Westgate Mall wuxuuna sheegay in wili lagu gudo jiro in la soo saaro meydadka
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo hadlay khudbada uu jeediyey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ,waxaa la wada dhowrayaa in amiirka Al-Shabaab uu ka hadlo weerarka lagu qaaday Westgate Mall.
Hoos ka Daawo khudbada Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata
A/Cawale
Halgan.net