Madaxweynaha Puntland Iyo Golahiisa Wasiirada oo Garoowe ku shiray.[Masawiro]
April 3, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Golihiisa wasiirada ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa waxaa ay ku yeesheen hoolka shirarka iyo daraasaadka ee Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Golaha Wasiirada uga xog waramay safarkii uu dhowaan kusoo maray deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Bari iyo Kar-Kaar isagoona u sheegay xukuumadda in Puntland ay tahay deegaan nabad ah oo xasiloon.
Madaxweynaha iyo Golahiisa wasiiradu waxay sidoo kale shirkooda kusoo qaadeen khilaafka soo noqnoqday ee ka dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas lagu magcaabay guddi heer wasiiro ah oo ku sameeya baaris iyo dib u eegis waxyaabaha laysku hayo , isla markaana kasoo tala bixiya xal u helidda khilaafkaas.
Wasiisrka Amaanka Puntland Xasan Cismaan Alloore ayaa isagana laga dhagaystay warbixin dhinaca amaanka ku saabsan, waxaana goluhu uu isla gartay in amniga Puntland uu aad u fiican yahay ,sidoo kalena ay ciidamada amnigu si wacan u shaqaynayaan isla markaana la sameeyey goobo kala duwan oo amniga laga ilaaliyo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli iyo golahiisa wasiiradu waxay sidoo kale shirkooda ka doodeen codsi dhowaan ka yimi Dowladda Norway kaasi oo salka ku hayay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Norway Lagu Soo Celiyo Gudaha Puntland. Falanqayn dheer ka dib Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland waxay si buuxda u diideen in la keeno muwaadi niintaasi Soomaaliyeed ee laga soo tarxiilayo dalka Norwey in loo soo tarxiilo Puntland.
no images were found
Golaha xukuumadda Puntland waxay meel mariyeen joojinta bacaha madow ee lagu daaho muraayada gawaadhida ee loo yaqaano “Beesroolka” waxayna Dawladdu si rasmi ah u joojisay isticmaalka bacdaasi madow ee Beersoolka iyadoo si toos ah looga mamnuucay gaadiidka Dawladda iyo kan Shacabkaba.
-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.