Xaafadda Islii ee ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u muuqata xiryo ciidan (Daawo)
April 4, 2014 - Written by EditorNairobi:-Ciidamo aad u badan oo kala duwan ayaa maalin iyo habeen lagu arkayaa xaafadda Islii, waxayna ciidanku qabqabanayaan dadka, meel ay ku cafinayaanna majirto. Dariiqyada ayay gawaari soo dhigteen, iyadoo dadka si khasab ah ku saaraya, waxaana sidoo kale ay galayaan guryaha iyo hotellada qaarkood, iyagoo marar badan aan kala sooceyn dadka wixii ka soo horbaxa.
Marka makhribkii la gaaro ayaa dadku faaruq ka dhigayaan xaafadda, iyagoo guryahooda ku xarooda, waaba haddii aan guriga loogu imaanin, waxaana arrintan ay saameyn balaaran ku yeelatay ganacsigii xaafadda ka socday qeybihiisa kala duwan, waxaana ka mid ah meelaha ay aadka u saameysay:-
Makhaayadaha wax laga cuno
Meelaha shaaha lagu cabo ee lagu caweeyo
Goobaha internetka
Dukaamada yaryar
Farmashiyaasha
Supermarketyada
Sidoo kale masaajidda ayay arrimahani aad u saameeyeen, iyadoo salaadaha cisha iyo subaxa ay aad u yaraadeen dadka soo aadaya.
Ciidamada howlgallada fulinaya ayaa hadafkooda ugu weyn waxa uu yahay lacago sharci darra ah oo ay dadka ka qaataan, waxaana ay u dhaqmayaan si aad uga fog dhaqanka dowladnimo ee dal xor ah lagu yaqaano.
Ugu dambeyntii waxa soconaya dadaal ay wadaan madaxda Soomaalida ee golayaasha dowladda ku jira iyo guddiga ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo maanta lagu wado iney la shiraan mas’uuliyiinta ammaanka ee dalka Kenya ugu sarreysa.
Hoos Ka Daawo Cabashada Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee Nairobi
Halgan.net/Somalireal