Sheekh Muxamed Qudub oo ku geeriyooday dalka Sacuudi Carabiya
April 5, 2014 - Written by EditorJeddah:-Sheekh Muxamed Qudub alaha u naxariisto ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Jeddah e e dalka Sacuudi Carabiya Sheekha ayaa in mudo ah xanuunsanaa waxaana uu ahaa 97 jir.
Sheekh Muxamed Qudub ayaa wuxuu ahaa mufakir Islaami ah oo dowr weyn ka soo qaatay saxwada Islaamka wuxuuna macalin ka ahaa Jaamacada Umu Quraa Faraceeda Caqiidad wuxuuna Sheekh Muxamed Qudub leeyahay kutub aad u tiro badan oo si fiican u bayaaniyey fikirka Reer Galbeedka .
Majaamicda Caalamka Islaamka dhamaantood ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada iyo caalamka islaamka geerida ku timid Sheekh Muxamed Qudub waxaana ka mid ah culumada tacsida dirtay Sheekh Salmaan Cowda,Sheekh Maxmed Munjid,Sheekh Naasir Cumar ,iyo Sheekh Yuusuf Al-Qardhaawi.iyo culumo kale oo aad u tiro badan .
waxaan alle uga baryeynaa Sheekh Muxamed Qudub in uu janada fardowso ka waraabiyo Aaaamiin
Halgan.net