Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Shir looga hadlayo ilaalinta Deegaanka.[Cod/Masawiro]

April 8, 2014 - Written by Editor

IMG_0130Garoowe:-Shirwayne  looga hadlayay deegaanka Iyo sidii loo ilaalin lahaa ayaa waxaa lagu qabtey xarunta dowlada Puntland ee Garoowe waxaana shirkaas ka soo qeyb galay gudoomiyaasha 9 gobal ee Puntland iyo maayarada degmooyinka, hay’adaha iyo NGO-yada ka shaqeeya arimaha deegaanada Puntland

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo ilaalin lahaa deegaanka  xaalufka iyo nabaad  guurka ka socda deegaano ka tirsan Puntland iyo dhibaatada ay keentay xaalufinta deegaanada

Wasiiraka Deegaanka Duurjoogta iyo dalxiiska Puntland Guuleed Salax Bare  ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirka waxaana uu aad ugu dheeraaday ahmiyada ay leedahay in la ilaaliyo  deegaanka lagana ilaaliyo nabad guurka iyo gubista dhuxusha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulahi xaaji Cumar Camay waxaana madaxweynaha uu ka hadlay dhibaatada ay xaalufinta iyo nabad guur-ka ay ku heyso Soomaaliya oo dhan gaar ahaana Puntland wuxuuna mahad balaaran u celiyey wasaarada Deegaanka Duurjoogta iyo dalxiiska oo xil iska saartay ilaalinta deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in ay canshuur dhaaf u sameyn doonaan cid walba oo la timaada qorshe ka duwan isticmaalka dhuxusha si loo ilaaliyo deegaanka

no images were found

Dowlada Puntland ayaa ku guuleystay in deegaano badan ay ka joojisay gubista dhuxusha waxaana ay dagaal ku qaaday kooxo ka ganacsada dhuxusha oo xaalufin badan ku hayey deegaano ka tirsan Puntland waxaana ka mid ah deegaanada lagula dagaalamaya kooxaha xaalafuya deegaanka  Degmada Dhahar ,Degmada Ayl ,Degmada Jariiban .Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey gudoomiyaasha degmooyinka Dhahar,Eyl iyo Jariiban.

Hoos ka dhagayso khudbadii Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Eng, Cabdixakiin C/laahi xaaji Cumar Camey
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/d5dr2dyc5a/Camey.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online