Maydadka Saraakiishii UN-ka ee lagu dilay shalay Magaalada Galkacayo oo Loo Qaaday Nairobi (Masawiro)

April 8, 2014 - Written by Editor

6Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo ku sagootiyay Maydka labadii nin ee ka tirsanaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee shalay lagu dilay Magaalada Gaalkacayo.

Sidoo kale waxaa isaguna yimi maanta magaalada Gaalkacayo masuuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay ku xigeenka u qaybsanaha QM arrimaha Somalia PHILIPPE LAZZARINI, kuwaas oo u yimid Puntland inay qaadaan maydka labadaasi nin ee ka tirsanaa Shaqaalaha UNODC.

Masuuliyiintan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa maanta qaaday maydadka saraakiishii ajnabiga ahaa ee u shaqaynayay hay’adda UNODC kuwaasi oo maalinimadii shalay uu garoonka Galkacyo ku toogtay nin dhimirka ka xanuusan kaasi oo edeegsaday qoriga loo yaqaan AK47.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayay ku xigeenka u qaybsanaha QM ee arrimaha Somalia PHILIPPE LAZZARINI ayaa shir gaar ah ku qaatay saaka garoonka diyaaradaha ee Galkacyo iyagoo si qota dheer isaga waraystay shilkii shalay dhacay iyo talabooyinka ay Dawladda Puntland qaaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenka u qaybsanaha QM ee arrimaha Somalia PHILIPPE LAZZARINI ayaa si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo, iyagoo sheegay in ay ka xun yihiin falkii shalay dhacay.

no images were found

Madaxweyne Gaas ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in Puntland iyo shacabkeedu ay aad uga tiiraayaysan yihiin dilkii foosha xumaa ee shalay loo gaystay saraakiishii ka tirsanayd Qaramada Midoobay, isla markaana aysan raalli ka ahayn sidii wax u dheceen, isagoo tacsi u diray ehelada ay ka dhinteen saraakiishii shalay Galkacyo lagu dilay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyey in Dawladda Puntland ay gacanta ku hayso gacan ku dhiiglihii dilka gaystay, wuxuu kaloo sheegay in isla shalayba la bilaabay baaritaano rasmi ah si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah iyo sababta keentay in ninka dhimirka ka xanuusanaya uu saraakiishaasi ku toogto garonka dhexdiisa isagoo hubaysan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland ay tahay dhul nabad ah oo aysan ka jirin waxyaalaha ka dhaca dalka intiisa kale, balse ay arrintani ahayd dhacdo kedis ah oo aan la filayn, isla markaana hay’adaha Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay ogaadaan in arrintani aysan waxba ka badali karin howlaha gargarka ah ee ay Puntland iyo shacabkeeda u hayaan.

Ku xigeenka u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia ayaa isaguna dhankiisa sheegay in QM ay ka xuntahay dhacdadii shalay ee garoonka Galkacyo ka dhacday, isla markaana ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ay ka dhinteen saraakiishaasi. Wuxuu kaloo sheegay in saraakiishaasi ay ahaayeen shaqooyin muhiim ah , isl markaana aysan ka dhiman QM oo kaliya balse ay aidoo kale ka dhinteen Dawladda Puntland iyo QM.

no images were found

Ku xigeenka u qaybsanaha QM ee arrimaha Somalia PHILIPPE LAZZARINI ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo falkii shalay lagu toogtay labada sarkaal ee ka tirsanaa UNODC si loo ogaado xaqiiqada jirta, isla markaana QM ay ka qayb qaadaan doonto baaitaankaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta sare ee QM ka hor intii aysan ka tagin Galkacyo waxa uu ugu qado kariyay howga uu ka degen yahay magaalada Galkacyo, isagoo ka dibna ukeeyey garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo halkaasi oo ay ka dhoofeen.

-DHAMAAD- Xafiiska Warfaafinta
Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo
Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online