Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kormeer ku tagay deegaan oo ka tirsan gobolada Sool iyo Nugaal(Dhageyso)
April 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey iyo wafdi wasiiro ah ayaa maanta kormeeray jidadka burbursan ee deegaan oo ka tirsan gobolada Sool iyo Nugaal.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu horayn waxaa uu dhagax-dhigay dhismayaal ay yeelanayso wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ka dibna waxaa oo socdaal ku tagay deegaanka Falayr-yaale ee gobolka Sool.
Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa kale oo uu dhagax dhigay wadadda laamiga ah ee Falayr-yaale ee gobolka Sool oo ay burburiyeen roobabka dabeylaha watay ee ka da,ay deegaano ka tirsan Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxaa kale oo uu kormeer ku tagay deegaano ka tisan gobolka Nugaal waxaana ka mid ah deegaanka Libaaxo oo ku dhow Dan-goronyo wuxuuna dhagax dhigay buundada deegaanka oo dib u habeyn lagu sameynayo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu dambayntii wuxuu kormeer ku tagay buundada Sunijiif waxaana socdaalkiisa ku weheliya guddiga dhaqaale u arruurinta buundada iyo hay’adda jidadka Puntland ee NESHA iyo culuma,udiinka magaalada Garoowe.
no images were found
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab dilalka qorsheysan ee lagu laayey waxgarad tiro badan wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland in ay meel uga soo wada jeestaan ayna la shaqeeyaan laamaha amaanka wuxuuna sidoo kale tacsi u diray ehelada labadii Sarkaal ee u shaqeynayey QM ee shalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Hoos Ka Dhageyso Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka faahfaahin ka bixiyey kormeerka uu ku tagay deegaan oo ka tirsan gobolada Sool iyo Nugaal.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/75z5n2quoi/Camey.mp3]M_M Deeq
Halgan.net