Wafdi culimo ah oo uu hogaaminayo Sh Axmed C/samad oo gaaray Kismaayo.[Masawiro]
April 10, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Sh.Axmad C/samad oo ka mid ahaa wafdi culimo ah oo ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa muxaadaradii ugu horreysay ka jeediyay masjidka rowda ee ku yaalla badhtamaha magaalada Kismaayo, oo horay loogu aqoon jiray masjidka baajuunta.
Sheekha oo salaaddii duhur ka dib masjidka ka istaagay wuxuu ka hadlay qiimaha diinta islaamka iyo sharafta quraanka ilaahay inoo soo dajiyay, wuxuuna tilmaamay in quraanku dadka ku hagayo jidka toosan , dhinaca caqiidada, cibaadada, mucaamalaadka, qoyska, siyaasadda iyo dhammaanba laamaha nolosha ee kala duwan.
Sheekhu wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la aqoonsado nicmada islaamnimada ee ilaahay ina siiyay ka dibna laga mahad celiyo oo ilaahay lagu shukriyo, wuxuuna sheekhu sheegay in nicmdaas dadkii laga qadigay ay aakhiro u barooran doonaan sida quraanka ku timid
Gabagabadiina wuxuu sheekhu ka hadlay qiimaha islaamku u yeelay qofka muslimka ah ilaa uu gaadhay heer dilkiisu oo ka culus yahay dunida oo dhan oo suusha, wuxuuna sheegay in sababka sidaas qofka muslimka ah muhiimka looga dhigay uu yahay diinta qiimaha leh ee uu hasyto, wuxuuna sheekhu soo jeediyay in diintaas haysashadeeda lagu fara adeygo, lagu dhaqmo, faafinteeda difaaceeda iyo hirgalinteedana laga qayb qaato.
no images were found
Jamaacadii masjidka ku tukatay oo dad badan ayaa si xiiso iyo soo jeed leh ayey u dhageysteen hadalkii sheekha waxaana ka muuqatay inay jeclaan lahaayeen inuu hadalka sii wado.
Kismaayo,Soomaaliya
Halgan.net