Ducafadii 11aad oo ka qalin jebisay Dugsiga Ibnu Xajir ee Bosaaso [Masawiro]

April 13, 2014 - Written by Editor

ABoosaaso:-Munaasabada oo ahayad mid lagu sagootinaayay dufcadii 11- aad ee ka qalin jibsay machadka barshada Culuumta sharciga iyo luuqada carabiga ah ee Ibnu xajar al -Casqa laani ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sh.Cabdi Qaadir ee jaamacad bariga africa ee magaalda Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Maamulka machadka ibnu xajar al casqalaani , ardayda wax ka barta machadkaasi, madaxda jaamacad bari africa ,Culima owdiin ,waaalidiin ,Haween iyo marti shafar aad u tir badan ayaa ka qayb galay Munaasabada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Maamulaha Machadka Ibnu Xajar al -Casqalaani Siciid Maxamed Cusmaan oo ugu horey ka hadlay munaasabada waxaana uu ka warbixiyay Tariikhda macadka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dugsiga ,waxaana uu tilmaamay in dugsiga lafuray sanadka markuu ahaa 2006 islamarkaana ay tahay dufcadaan tii 11-da ee ka qalinjabisa dugsiga ayna iskugu jiraan 81- hablo ah iyo 61 – wiilal ah.

Hormuudka kuliyada shareecada ee jaamacad bariga africa maxamed xasan ayaa ka hadlay munaasabada ugu horeen hambalyo u diray ardayaan ,islamarkaasna waxaa uu u balan qaaday ardaydaan in 3-da arday ee kaalimaha sare ka gala imtixaanka ay jaamacad siinayso waxbarasho lacag la,aan ah ,waxaana uu ku booriyay ardayda in ay dadaal badan la yimaadaan.

Sheekh faarax cajab gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ah ee gobalka bari ayaa dhankiisa wax lagu farxo ku timaamay nambarka fiican ay ardaydaan kaga jiraan hablaha ,waxaan uu ku sii booriyay hablaha in ey sii wataan waxbarashadooda.

Sulaymaan cabdulaahi maxamed oo ku hadlay afka ardayda qalin jabinaysay kana mid ahaa ayaa ugu horeen mahad balaaran ujeediyay maamulka iyo barayaasha macadka Ibnu xajar al Casqalaani oo mudada dheer wax soo baraayay iyo shirkadihii ka qaybqaatyay xafladaan , waxaan uu sidoo kale uu madasha ku soo badhigay buug ay ardaydan qoreen kaasi oo ka turjumaayo aqoontooda ,waxaana uu ugu baaqay ardayda haatan dhigata dugsiga in ay kaga dayadaan ardaydaan.

no images were found

Beeldaaje cali faarax oo ka mid ahaa isimadii ka qayb galay munaasabada ayaa gabagabadii munaasabada ku soo xiray kalmado u badnaa duco iyo baraarujin waxaan uu si gaar ah ardayda kula dardaarmay in ay sii wataan wax barashadooda ayna ka mira dhaliyaan dadaalkii mudada dheer ey soo wadeen.

Gabagabadii munaasabda ayaa ardayda waxaa  abaalmarino gudoonsiiyeen maamulka iyo barayaasha macadka ibnu xajara al -Casqalaan ku waas oo mudo dheer wax soo baraayay.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online