Dr. Abdirahman D. Beileh oo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Burundi Warqadihiisa aqoonsiga danjiranimo.[Masawiro]

April 14, 2014 - Written by Editor

DSC05309Mogadishu, April 14, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka gudoomay koobi ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Joseph Nkurunziza oo ah Safiirka cusub ee dowladda Burundi u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Mudadii kulanka uu socday ayaa waxaa la iskula soo qaaday Xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Burundi , qaabkii lagu xoojin lahaa , laguna horumarin lahaa xiriir dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan labada dal . Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Danjire Nkurunziza howl qabad wacan .

Dhankiisa ambassador Joseph Nkurunziza ayaa waxa uu carabaabay inuu ka shaqeyn doono xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal  iyo wax waliba oo u adeegaya danaha wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Burundi .

no images were found

Kulankani oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Adv. Hersi Haji Olosow oo ah agaasimaha guud hab maamuuska qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

 

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online